Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan jirin wax miisaaniyad ah oo ay ugu talo gashay maamulka Jubbaland.
Waxa uu sheegay in dhamaan xildhibaanada iyo Xubnaha kale ee Maamulka Jubbaland aysan qaadaan wax mushaar ah.
Hadalkaan ayaa waxa uu sheegay xili shalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uu ku soo xiray kala-fadhisii 3,aad ee Baarlamaanka Jubbaland.
Maamulka Jubbaland ayaa la ogsoonyahay in ay dagaalo la galaan Al-shabaab isla markaana ay u baahunyihiin garab istaag dhab ah iyo qarashaad lagu fuliyo Howlgalada ka jira deegaanooyinka ay maamusho Jubbaland.