Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku baaqay in si deg deg ah looga jawaabo Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay isgoyska Zoobe.
Axmed Madoobe ayaa xusay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo suggida amaanka dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay lagama maarmaan ay tahay in jawaab laga bixiyo Qaraxii ka dhacay Muqdisho islamarkaana dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney u diyaar garoobaan dagaal lagu qaado Al-Shabaab.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in maalin walbo tacsi iyo duugid aan lagu jiri Karin balse loo baahan yahay jawaab in laga bixiyo qaraxii ay dadka badan ay ku dhinten ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhanka kale Hay’addaha amaanka ugu baaqay iney xoojiyaan howlgalada amniga lagu xaqiijinayo oo ay ka sameynayaan gudaha Magaalada.