Axmed Madoobe oo ka hadlay Taliyayaashii lagu xiray Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay Taliyeyaashii dowladda Soomaaliya ay u Magacowday Ciidamada Jubbaland ee NISA ee lagu xayiray garoonka Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay nasiib daro weyn tahay in dowladda Soomaaliya ay qeyb ka noqoto Amnidaradda dalka ka jirta.

Waxaa uu sheegay in Taliyeyaasha aan lagala tashan Jubbaland, taasina ay ka horimaanayso heshiiskii ay horay u wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Jubbaland.

 Madaxweynaha waxaa uu aad u dhaliilay hanaanka shaqadda dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in aysan xiriir laheyn maamul goboleedyadda.

Sida uu qorshaha yahay Jubbaland ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay ku soo celineysaa Saraakiil ka tirsan NISA oo shalay un gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay garoonka Kismaayo ka qabteen Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo kala ah Taliye iyo ku-xigeenkiisa oo dowladda Soomaaliya dhawaan ay u magacawday inay ka hawlgalaan degaanada Jubbaland.

Sidan oo kale maamulka Jubbaland 13-kii July ee sanadkan waxay garoonka Kismaayo ka celiyeen diyaarad siday Gen. Cali Bogmadow oo ay Dowladda u magacowdey qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogda dalka, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.