Axmed maboobe iyo Jen. Saacid oo tababar usoo xiray ciidan si heer sare loo diyaariyey (sawiro)

Magaalada kismaayo ayaa maanta waxaa tababar loogu soo xiray xerada akaademiyada kismaayo dufcadii 3aad oo ka tirsan ciidanka booliska Jubbaland ciidankan ayaa tababar 3 bilood ah uga socday halkaas waxaana xiritaankan kasoo qayb galay Madax ay ka mid yihiin madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Saacid.

Ciidankan oo la baray dhamaan casharada layliga Askari iyo dhamaan waxyabaha uu u bahan yahay Askariga Booliska ah ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysa 201 Askari oo isugu jira wiilal iyo Gabdho si wanaagsan loo carbiyay.

Dhamaan Casharada ay barteen ayay madasha kusoo bandhigeen iyagoo sidoo kale geedo ka ciyaar ku hor maray Madaxada hortooda.

Dabagalka, ka hor taga danbiyada, baarista, ka hortaga rabshadaha, iyo habab kala duwan oo is difaacista shaqsiga ay kamid tahay ayay Askartu goobta ku soo bandhigeen.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa munaasabada ka sheegay in Jubbaland ay dadaal dheer galisay dhismaha Ciidamo Boolis ah oo tayo leh sidii lagu heli lahaa maadama baahida ugu weyn ee Soomaaliya ay tahay Boolis si wanaagsan u shaqeeya.

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Saacid ayaa isna u hambalyeeyey ciidamada tababarka loo soo xiray, wuxuuna balan-qaaday in taliska booliska uu ku taageeri doono qalab iyo gaadiid wixii awoodooda ah, isagoo kula dardaarmay iney si hufan u gutaan waajibaadkooda.