Axmed Fiqi: “Oday Farmaajo wuxuu dib noogu daaray Riwaayadii ‘Dal baan ka tegayaa ee dad kama tegayo”

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tilmaamay inuu fasaxay daadinta dhiigga boqolaal dad ah in loo adeegsato ciidmaada Qaranka.

Fiqi oo qoraal ku socda Farmaajo uga jawaabay Wareegtadii Dhilka Danta Guud ee xalay kasoo baxday Farmaajo ayuu ku yiri: “Oday Farmaajo dhulka xeer ayuu ka soo saaray waana arrin fiican laakin dhiigga dadka ee uu fasaxay in la daadiyo ayadoo la adeegsanayo ciidamadii qaranku wada lahaa see laga yeelayaa? Mase og yahay ama la socdaa dadka iyo dhulka dawladda midka qiimo badan!?”.

Wuxuu intaas ku daray in dib u daaray riwaayadii ‘Dal baan ka tegayaa ee dad ka tegi maayo’ ee laga sheego in laga soo weriyey madaxweynihii hore ee dowladii Kacaanka Jen. Maxamed Siyaad Barre.

“Asagoo dad ka badan 200 qof dhimashadooda iyo dhaawacooda oo ciidamada qaranka iyo saraakiishoodu ay ku jiraan sabab u ahaa maantay in uu dhul dawlo wareegto ka soo saaro sow ruwaayadii dal baan ka tagayaa ee dad kama tagayo ee aan kol hore daawanayey dib nooguma daarin!?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Macalin Fiqi oo si weyn uga hor yimid dagaalka Guriceel ku dhex maray ciidamada Galmudug iyo dowladda Federaalka oo dhinaca ah iyo kooxda Ahlu suna.