Askarta Dowladda oo Rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ku furtay Dad Shacab ah

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya rabshado ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka maanta barkhadii ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

Rabshadahan ayaa ka dambeeyay kadib markii gaari ciidanka dowladda ay wateen oo la socday koolnyo AMSIOM ah uu furay rasaas, taasi oo sababtay dhimashada laba ruux oo shacab ah.

Intaasi kadib ayaa dadweyne aad u careysan oo ka gadoodsan falkan ayaa waxa ay dhigeen banaanbax, waxayna is hor istaag ku sameeyeen ciidankii dowladda iyo kuwa AMISOM ee rabshada bilaabay.

Inta ay socotay waan waan lagu raali gelinayay dadka shacabka ah ayaa waxaa laba qarax oo Miinada nuuca dhullka lagu aaso lala eegtay ciidanka AMISOM ee halkaasi joogay, waxaana markale aaggaasi laga maqlay rasaas kale oo ay rideen ciidanka dowladda.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen khasaaraha dhimasho ee rasbahadan ka dhashay inay gaarayaan ilaa Saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale, kuwaasi oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Maamulka degmada Heliwaa iyo Waxgaradka degmada ayaa bilaabay wada hadal ay ku qancinayaan dadka degaanka oo wadooyinka isugu soo baxay, waxaana lagu guuleystay in dib loo furo wadadii ay xireen shacabka.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidan oo kale gaari ciidan oo marayay xaafada Suuqa Xoolaha uu furay rasaas uu wadada ku furanayay, halkaasi waxaa ka dhashay khasaare kala duwan.