Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigtay nin ka tirsanaa ururka Al-shabaab, kaasi oo garawsaday inuu ku biiro maamulka Jubbaland.
Ninka Shabaab ka tirsan ee isa soo dhiibay ayaa waxaa lagu magacaabaa Aadan Huudow Cabdi, wuxuuna xilliga Jubbaland ku soo biirayay uu watay Qori AK-47 ah iyo Booshashkiisa.
Taliyaha laanta Dambi baarista Jubbaland ahna Taliyaha Nabad Sugidda Korneel Axmed Muuse Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay Qoriga iyo Booshashkii uu watay Aadan Huudow inay u lacageeyeen, Jubbaland ay la wareegtay.
“Waxaa isa soo dhiibay Aadan Huudow Cabdi oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab, warbixintiisa horey ayaa looga duubay, wuxuuna la soo galay Qorigan iyo Booshkan oo aan u lacageynay, dhalinyarada kale waxaan ugu baaqeynaa inay ka soo goostaan Shabaab.” Ayuu yiri Taliye Axmed.