Askari ka tirsan Dowladda oo Rasaaseeyay Gaari ay la socdeen Xildhibaano (Sawirro)

Gelinkii dambe ee maanta ayaa Gaari nuuca raaxada ah oo ay la socdeen laba ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa lagu rasaaseeyay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan Faarax Maxamed Cismaan (Gacamey) iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow ayaa lagu kala magacaabaa Mudanayaasha la rasaaseeyay, waxaana dhaawac fudud uu soo gaaray xildhibaan Gacmey.

Falkan ayaa waxaa ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo rasaas oodda kaga qaaday gaarigii ay Xildhibaanada la socdeen.

Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Magaalada Jowhar, ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan askarigaasi, oo ka tirsan Ciidanka Militariga Soomaaliya.

Xildhibaan Gacamey, ayaa wuxuu noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee lagu dhaawaco Magaaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.