Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Diyaarad qaad sidday lagu rasaaseeyay.
Dadka Magaalada Xudur waxa ay sheegeen in diyaaradda ay garoonka kusoo degtay, ka dibna iyadoo aan rarkii dhigin ay damacday inay duusho.
Askari Itoobiyaan ah oo garoonka ku sugnaa ayaa la sheegay in diyaaradda uu ku amray in aysan kicin, balse aanay dhagaysan oo ay dhabaha garoonka ku oroday.
Askarta garoonka ayaa ka dib rasaas ku furay, oo cagaha ka toogtay, waxaana ay diyaaradu ku dhacday xaafad ku dhaw garoonka.
Lama sheegin cid ay khasaaro kasoo gaartay dhacdadaasi.
Wararka ayaa intaa ku daray in duuliyaha diyaaradda iyo rarka saarnaaba ay hadda gacanta ku hayaan ciidanka Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Xudur.