Askar ka tirsan ciidanka AMISOM oo dil toogasho iyo xabsi lagu kala xakumay

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay maxkamadeynta 5 askari oo ka mid ahaa askarta ciidanka AMISOM oo dad shacab ah ku dilay deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose.

Maxkamadeynta askartaan ayaa bilaabatay 5-tii bishan Oktobar, taasoo ka socotay gudaha xerada Xalane, waxaana qaadeysay maxkamada AMISOM oo maanta ku xukuntay laba ka mid ahaa 5-ta askari oo u dhalatay dalka Uganda dil toogasho, iyadoo sadaxda kalana lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ciidan ah.

Xuseen Cismaan Waasuge oo ahaa Afhayeenka Beeraleyda gobolka Sh/hoose oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in todobo ruux ay ku marqaati fureen eedeysanayaasha oo lix ka mid ah ahaayeen ciidanka Uganda ee meesha joogay.

“Laba maalmood waxaa hadlaayay dadkii cadeynaayay dambiga askartan, annagana waa nalagu casuumay waana dhageysaneynay, xerada xalane ayay maxkamadeynta ka dhaceyaay, laakiin anaga Soomaali ahaan wax qareeno ah oo noo doodayay majirin, marqaatiga nagala dalbadayna waa hal wiil oo ninka berta iskalahaa uu dhalay” ayuu yiri Xuseen Cismaan.

Qaar ka mid ah ehelada dadkii ay dileen askartaan maanta la xukumay ayaa sheegay iney si weyn ugu faraxsan yihiin in loo xukumo askartii gardarada ku laaysay dadkooda.

Askarta maanta la xukumay ayaa bishii Agoosto ee sanadkan waxay si fool xumo badan ugu dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose 7 ruux oo shacab beeraley ahaa, kuwaas oo inta hal meel isugu geeyeen ay miino ku qarxiyeen.