Aqriso:- Maxaa ku soo kordhay Shirkii Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa maalintii 5-aad ka socda Shir u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira iyo Gobolka Banaadir.

Xalay ayaa waxaa Garoowe lagu soo waramayaa in uu ka dhacay Shir gaar ah oo Madaxda u dhexeeyay,kaasi oo ahaa mid ugu waqtiga badnaa,isla markaana la isla gaaray ilaa waqti dambe.

Sidoo kale waxaa weli jira Caqabado heysta Shirka waxaana ugu weyn arrinta maamulka Galmudug oo weli la isku mari la’yahay iyo sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxda sare ee maamulkaaasi oo haatan kala degan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Warar Warbaahinta Goobsan ay heleyso ayaa sheegaya in Madaxda maamul Goboleedyada Madaxweyne Xaaf ay codsadeen in Dhuusaamareeb uu ku qabto Shir dib u heshiisiin ah,kaasi la isugu yeerayo Baarlamaanka ku sugan Caasimadda iyo kuwa jooga Cadaado.

Shirkan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira iyo Gobolka Banaadir uga socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa uu yahay midkii ugu waqtiga dheeraa ay qaataan Madaxda,isla markaana waxaa uu ka duwan yahay kuwii horey loo qaban jiray.

GOOBSAN MEDIA