Amnesty : W/ Waxbarashadda way ku fashilantay ilaalinta imtixaanka, lamana aqbali karo xayiraadda Baraha Bulshada.

Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay hadal ka soo yeeray wasiirka waxbarashada dowlada federaalka ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre, kaasoo ku aadanaa in mudo shan maalmood ku siman ay dowlada joojin doonto isticmaalka baraha bulshada (Social Media)

Amnesty International waxey sheegtay in Wasaaradda Waxbarashadda ku fashilantay ilaalinta sirta imtixaanka, sidaa daraadeed aanan la aqbali karin xayiraadda uu ku hanjabay Wasiir Goodax ee ku saabsan xayiraadda xiriirka bulshada.

“Lama aqbali karo in dowladu caburiso shacabka hadii ay ka adkaan waysay inay ilaaliso shaqada u taala sidaa daraadeed waa caburin in bulshada laga joojiyo baraha ay ku xiriiraan” Sidaas waxaa yiri Agaasimaha Bariga Afrika Great Lakes.

Hadalka Wasiirka waxbarasha Goodax Barre ayaa ka danbeeyay kadib markii sida uu sheegay la xaday Imtixaankii dugsiga sare ee dowladu ay ka qaadaysay Ardayda dhamaysatay fasalka 4aad,

© Goobsan Media Inc, Oslo, Norway