AMISOM oo xalay duqeyn ka geysatay duleedka Magaalada Muqdisho

Ciidamada AMISOM ayaa xalay madaafiic ku garaacay deegaanka Arbacow oo ku dhow Ceelaha Biyaha ee duleedka Muqdisho, iyadoo madaafiicda ay sababtay dhimashada labo ruux.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan ay ka dambeysay, markii Al-Shabaab weerar madaafiic ku qaadeen saldhig AMISOM ku leeyihiin Arbacow.

AMISOM ayaa la sheegay inay ku jawaabeen madaafiic, kuwaasoo ku dhacay xaafado dad rayid degan yihiin.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Madaafiicdaasi ay ku dhinteen labo ruux  islamarkaana ay jiraan dad ku dhaawacmay.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah waxaa ay kusoo qaadaan Saldhigyadda Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.