AMISOM oo sheegtay in ay qaadayaan tilaabo jawaab u ah Weerarkii Oto-oto

AMISOM ayaa sheegtay in ururka Al-shabaab ay kordhiyeen Argagixinta shacabka Soomaaliyeed, balse waxay tilmaamtay in shacabka aysan marnaba ku niyad jabi doonin dhacdooyinka kala duwan.

AMISOM ayaa hadalkan la xiriirisay weerarkii qaraxa ku bilowday oo Shabaab ay ku qaadeen Sabtidii ina dhaaftay xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya, halkaasi oo ay ku naf waayeen dad ku dhaw 15 qof.

Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto inuu muujinayo in Shabaab aysan wax dan ah ka lahayn xasiloonida Soomaaliya iyo horumarka dalalka Geeska Afrika.

“AMISOM waxay ka xun tahay falalka naxariis darada ah ee Shabaab ay geystaan, oo uu ugu dambeeyay weerarkii Otto Otto, waxaanu qaadeynaa talaabo aan kaga jawaabeyno falalka Argagixiso ee dhaca sida midkii Otto Otto, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xagjirka.”  Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay AMISOM.

Taliska hawlgalka AMISOM ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si loo helo dal nabad ah.