Francisco Caetano Madeira, oo ah Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa ka hadlay Dagaalka Dowladda Federaalka ay kula jirto ururka Al-shabaab iyo halka ay marayaan Howlgalada Ciidanka Nabad ilaalinta ee AMISOM.
Madeira ayaa marka hore waxa uu sheegay in uu socdo qorshe ku aadan sidii loo kordhin lahaa Dagaalka Al-shabaab lagula jiro, si loo soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula jiraan Shabaab.
Wuxuu sheegay in uu u mahadcelinayo Dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay Dowladda iyo shacabkeedaba mar walba in ay ku dadaalaan sidii lo heli lahaa nabad waarta.
Mr. Francisco ayaa Dhalinyarada ururka Al-shabaab ka tirsan ugu baaqay in ay ka soo goostaan Shabaab, kuna soo biiraaan dadaalka nabadeynta ah ee ay wadaan Dowladdooda, bulshadooda iyo maamul goboleedyadooda.
“Waxaan rabaa inaan muujiyo mahadcelinteyda iyo sida aan u aqoonsahay dadaalka dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay sameynayaan, waxa ugu muhiimsan ee salka ah Nabadda iyo xasiloonida waa nabadda, bixinta adeeg bulsho dib u heshiisiin, awood iyo qayraad qeybsi, iyo in wax laga qabto muranka dhuleed ee jira, lana xaqiijiyo ammaaka.” Ayuu yiri Madeira.
“Waxaan kaloo rabaa inaan ka mahadceliyo dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta xubnaha Al-shabaab ka mid ah ee falalka Argagixisada kula kaca dadkooda, oo ay joojiyaan falalkan kuna soo biiraan dadaalka Dowladdooda, bulshadooda iyo maamul goboleedyada, kaasi oo dib loogu soo celinayo nabada laguna hormarinayo dalka.
Shir maalin ka hor ka furmay Muqdisho oo ay ka qeyb galeen 60 Sarkaal oo ka tirsan Hay’addaha ammaanka Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM, waxa uu Shabaab ku eedeeyay askareynta Caruurta iyo in caruurtaas ay dagaal galiyaan kana hor keenaan Xoogaga kasoo horjeeda.