Waxaa saxaafada qabsaday dhacdadii todobaadki lasoo dhaafay qabsatay Wasiirad Maryama Qaasim taasoo ahayd marki ciidanka AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha Adan Cadde ay ka hor istaageen wasiirad Maryama inay gudaha u gasho garoonka.
Amisom ayaa hadda raali galin ka bixisay falki ku qabsaday Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Askri ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa wasiirka ka hor istaagay inay gudaha u gasho garoonka oo ay shir ku lahayd, waxayna wasiirku ku tilmaantay arrintasi mid aan la aqbali karin.
Farriimo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay AMISOM ku sheegtay in ka xun tahay shilka qabsaday wasiir Maryan Qaasim oo ka cabatay sidii xirfad xumida ku jirtay ee ay ula dhaqmeen askarta ku sugan iridka Medina Gate.
“Ciidamadeena ku sugan iridka ma fileyn inay wasiiro yimaadaan, waxaana la dhaqan geliyay tallaabooyin dhinaca ammaanka oo dheeraad ah, taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda kacsan ee ammaanka..” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Amisom.
AMISOM ayaa ku dooday in dadka madaxda ah ay isticmaalaan iridka Marine Gate, waxayna ku booriyeen dhammaan madaxda inay hore u sameystaan qorshahooda si aanay u soo noqon shilal noocan oo kale ah.