AMISOM oo isaga baxay deegaan ay Fariisimo ku lahaayeen iyo Alshabaab oo la wareegay

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaan hoos yimaada magaalada Baraawe ee Shabeelaha hoose.

Ciidamada midowga afrika AMISOM ayaa la sheegay in ay isaga baxeyn deegaanka radaay halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay ay ku lahaayeen saldhigyo melleteri, islamarkaana halkaas ay la wareegeen Ciidamada al-shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay dib ugu gurteen dhanka degmada buula mareer ee isla shabeelaha Hoose.

Boqolaal ka Tirsan Ciidamada Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha ugaleen degaanka radaay halkaas oo ay baaritaanno ka wadaan.