Amiirkii ugu sareeyay Al-Shabaab oo geeriyooday

Sida ay baahisay Idacada VOA waxaa geeriyooday hogaamiyihii ugu sareeyay ee AlShabaab Ahmed Diriye (Abu Cubeyda).

Abu Cubeyda, ayaa la sheegay inuu geeriyooday Isniinti aan kasoo gudubnay, kadib markii uu la il darsaday Xanuuno isbiirsaday oo waayadani hayay.

Abu Cubeyda, ayaa ku geeriyooday Goob uu kaga sugnaa koofurta Soomaaliya, waxaana lasoo sheegayaa inuu sababsaday dawo la’aan.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga u sheegay in Axmed Diiriye uu u dhintay xanuun dhinaca kilyaha ah.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in Abu Cubeyda uu ku geeriyooday meel ka mid ah Koofurta Soomaaliya galabnimadi Isniintii aan soo dhaafnay taariikhdana ku beegneyd 25-ka bishan June.

Ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya geerida Axmed Diiriye oo kasoo baxay Alshabaab.

Sidoo kale, Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin arrintan.

Axmed Diiriye (Abu Cubeyda) ayaa qabtay xilka hogaamiyaha Al Shabab, bishii December ee sannadki 2014-ki, kadib marki ay Dowlada Mareykanka duqeyn ku dishay hogaamiyihii isaga ka horreeyay Axmed Godane.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa inta uusan dhiman Axmed Diiriye madaxiisa dul dhigay lacag dhan 6 milyan oo dollar