Amaro laga soo saaray hubka magaalada Beledweyne kadib dagaalkii Shalay

Waxaa amaro ku aadan dhanka amaanka ah soo saaray Maamulka Gobolka Hiiraan kadib howlgalo amaanka lagu xaqiijinayay oo ay sameeyaan shalay kaasoo sababay iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidanaka amaanka iyo maleeshiyo hubeysan oo shalay ku dhex maray xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Madaxa Amniga Magaalada Beledweyne Carab Nuur Yuusuf oo ka hadlay amaradaas ayaa sheegay in aysan jirin wax Qori ku dhex qaadan kara Magaalada, marka laga reebo Hay’adaha Amniga.

Waxa uu sheegay qorshaha in uu yahay sidii loo sugi lahaa Amniga, wuxuuna sheegay dalka in uu ka tagay in qaab mooryaan loogu dhaqmo, dadkana lagu qalqal geliyo Hubka aan sharciga aheyn.
Carab Nuur ayaa sheegay keliya in ay Magaalada Hub ku dhex qaadan karaan Afarta Hay’adood ee Amniga Magaalada quseeyo, wuxuuna shakhsiyaadka caadeystay falkaasi uga digay in ay arrintaasi sameeyaan.

Ammaanka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maalmahan waxa uu yahay mid aad u soo hagaagaya, maadaama qeybaha kala duwan ee Ciidamada ay wadaan dadaalo lagu sugayo Nabadgelyada.