Amaro culus Oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde(Dhagayso)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay amar culus kusoo rogay dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, amarkaas oo nqoonaya kii ugu horreeyay noociisa tan iyo burburkii dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Arrimaha Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahad-Alle ayaa sheegay in qof walba oo ka baxa garoonka Muqdisho laga doonayo inuu haysto buug caafimaad, kaasoo uu qiimihiisa ku sheegay inuu ku kici doono 10-doollar.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in arrintaan lagu soo qaaday kulan uu maamulku yeeshay xalay, isagoo xusay in tallaabadan ay tahay mid ka timid dhanka shacabka ee aysan ahayn mid uu go’aansaday maamulka gobolka Banaadir.

“Caalamka oo dhan dadku markay baxayaan waxaa laga rabaa inay wataan buug caafimaad, kaasoo muujinaya bad-qabka caafimaad ee qofkaas dalka ka dhoofaya, innagana maadaama aan dowlad jirta nahay waa lagama maar-maan in dadka dhoofaya ay wataan bug caafimaad,” ayuu Ibaahim Dheer eku yiri hadal uu jeediyay.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in buuga caafimaadka lagu billaabi doono dadka sannadkan aadaya xajka, balse wixii markaas ka dambeeya qof walba oo ka dhoofaya garoonka Muqdisho laga doonayo inuu wato buug caafimaad, haddii kale uusan ka bixi doono garoonka Xamar.

“Buugga caafimaadka wuxuu qofku ka qaadan karaa garoonka diyaaradaha ama meelaha tikidhada lagu iibiyo,” ayuu hadalkiisa daba dhigay, isagoo ku nuun-nuuxsaday in taallaabadan ay tahay mid la doonayo inay weligeed ka shaqeyso dalka oo aanay muddo kooban ku ekaan.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan lagu soo rogay dadka dalka ka dhoofaya inay la yimaadaan warqado lagu xaqiijnayo inaysan dalka dambi ka gelin, kuwaasoo dhibaato badan laga maro sidii lagu heli lahaa.

DHAGYSO: Codka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.