Amar laga soo saaray Shaqaalaha Ajaanibta ee ka howlgala deeganada Puntland

Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad Goboleedka  Puntland ayaa amar dul-dhigtay Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka howlgalla deegaanada Puntland, kadib War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda.

War-Saxaafadeedka ayaa dhammaan waxaa lagu amray shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala degaannada Puntland, in ay mudda bil gudaheeda ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo dahmeystiran.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa Hay’adaha lagu amray in aysan shaqaalayn karin qof aan hab sharciga waafaqsan soo marin.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.