Amarkaan ayaa waxaa soo saaray taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka qeybtooda ku sugan gobolka Galgaduud, kaas oo ku saabsan adkeynta amniga Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug.
Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro oo ah taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga Dalka oo Warbaahinta la hadlay ayaa amar ku bixiyay in aan Magaalada Cadaado lagu arki Karin dadka hubka ku dhexwata marka laga reebo ciidamada ka qeyb qaadanaya sugida amniga.
Waxa uu sidoo kale digniin u diray cid kasto oo isku dayd in ay qalqal geliso amniga Magaalada Cadaado ay talaabo ka qaadi doonaan, Shacabkana dhankooda ooga baahan yahay in ay ciidamada ay kala Shaqeeyaan dhanka amniga.
Amarkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo masuuliyiinta Amnigu ay kasoo saaraan Xaalada Hub qaadashada Magaalada cadaado ayadoona ay jiraan dad badan oo hub ku heysta gudaha Magaalada cadaado.