Alshabaab oo soo bandhigay Askari kenyan ah oo muddo Gacantooda ku jiray (Sawiro)

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaal laga duubay Askari Kenyan ah oo ka mid ahaa askartii sida maxaabiis ahaan loogu qabtay weerarkii ay sanad ka hor ay ku qaaday saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen Ceel cadde ee Gobolka Gedo.

Muuqaalkan oo soconayay afar daqiiqo ayaa waxaa ka soo muuqday Askariga lagu magacaabo Alfred Danyi Kilasi, isagoo baaq u diray shacabka iyo dowladda Kenya.

Alfred Danyi ayaa ka codsaday shacabka Kenya inay u midoobaan sidii looga saari lahaa Al-Shabaab oo muddo sanad iyo bilooyin uu gacantooda ku jiro.

“Laga soo bilaabo markii uu dhacay dagaalkii Ceelcadde ilaa hadda waxaan ku jirnaa Jeelka Al-Shabaab anagoo maxaabiis ah, welina wax war ah kama helin dowladeena, Ma aanan helin wax caawin, sidaas darteed waxaan shacabka Kenya ka codsaneynaa in ay u midoobaan arinteena, una raadiyaan xal lagu soo afjarayo Mushkiladda na heysata” ayuu yiri.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha Kenya inuu sameeyo wax kasta oo looga saarayo gacanta Al-Shabaab, si ay ula midoobaan qoysaskooda oo aad uga murugoonaya sida uu yiri.

Horaantii bishii Janaayo ee sanadkii 2016 ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen Ceel Cadde, halkaasoo lagu dilay askar ka badan boqol.