Alshabaab oo sheegatay Masuuliyada weerarkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Wararkii ugu danbeeyay ee Qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyada ay ahaayeen laba qarax oo kala danbeeyay iyadoo lala beegsaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee degan xaruntii Ciidamada Booliska ee Oto Oto oo ku dhow Sayidka.

Weerarka ayaa waxaa sheegatay Alshabaab, waxaana xarunta Wasaaradda Gudaha u galay saddex ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab, iyadoo rasaas xoog leh laga maqlay gudaha xarunta, taasoo ay is weydaarsadeen ciidamada amniga iyo kooxda Alshabaab ee weerarka ku galay xarunta.

Kooxda Alshabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Al Shabaab ciidamadeedu weerareen dhismaha wasaaradaha ‘amniga” iyo arrimaha gudaha dowladda Federaalka “Mujaahidiinta ayaa howlgal guuleystay ku qaaday xarumaha dowlada, camaliyad istish-haadi ah ayaa howlgalka lagu daahfuray kadibna rag ayaa gudaha ugu daatay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Xaaladda ayaan weli kala caddeyn, waxaana socda gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa, iyadoo ciidamada amniga ay xireen goobta uu qarax ka dhacay.