Al-shabaab oo dilay Sarkaal Kenyaan ah oo ka mid ahaa kooxdaas

Kooxda Alshabaab ayaa lagu eedeeyay inay dishay nin ajnabi ah oo ka mid ahaa dagaalyahaneeda kasoo jeeda dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaacisay in kooxda Al-shabaab ay muwaadin reer Kenya ee tirsanaa Saraakiisha Al-shabaab lagu magacaabi jiray Mustaf Xasan, kaasoo ka soo jeeda Waqooyi Bari Kenya.
Wargeyska Daily Nation oo soo xigtay ehelada sarkaalka ka tirsanaa Alshabaab ee la khaarijiyay ayaa sheegay in sababta loo dilay ninkan aanay caddey, laakiin laga yaabo in looga shakiyay basaasnimo.

Alshabaab ayaa khaarijisa xubnaha ka tirsan ee looga shakiyo inay sirdoon u yihiin dalal shisheeye ama lagu tuhmo inay arrimo kale ku lug leeyihiin.