Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa idaacadda VOA-da laanta Af-Soomaaliga u sheegay in ay helaan telefoonno uga imaanaya Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku amraya inay bixiyaan lacago ay ugu yeereen Zako.
Mid ka mid ah ganacsatada ku nool Muqdisho islamarkaana codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay in ganacsatada loogu yeeray degaannada Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose, kadibna lagu amray in ay lacagaha bixiyaan.
Waxa uu sheegay in ololahan ay Al-Shabaab bilwoday bil ka hor, haatanna ay jiraan lacago badan oo ay ka ururiyeen dadka leh ganacsiga waaweyn iyo kuwa yar-yar intaba.
Ganacsade kale oo ay VOA la hadashay ayaa xaqiijiyey in Al-Shabab ay ka ururiyeen ganacatsada ay ugu yar tahay 100 dollar ayna gaadhsiinsan tahay kumaannaan.
©VOA Laanta Af-soomaaliga