Al-Shabab oo kaalinta koowaad Ka galay Dilalka Qaarada Afrika

Ururka Al-Shabab ayaa la sheegay in uu xilligan kaga horreeyo ururrada Boko Haram iyo Daacish marka ay noqoto dadka ku dhinta gacan ka hadalka iyo dagaallada ay ka waddaan wadamada gobolka.

Warbxiintan uu qoray wargayska Newsweek ayaa lagu sheegay in sanadkii hore gacanta Al-Shabab ay ku dhinteen 4,281 halka gacanta Boko Harama ay ku dhinteen 3,499, ururka Daacish-na 2350.

Col Cabdullaahi Cali Macoow oo madaxa Machadka Daraasaadka Amniga iyo Istiraatijiyada oo ku sugan gobolka North Carolina, ayaa idaacada VOA-da u sheegay in xukunka kaliya oo ay Al-shabaab leeyihiin tahay fulinta dilalka, isaga oo tusaalle u soo qaatay deegaannada ay gacanta ku hayaan oo dil toogasho ah lagu fuliyo dadka ay ka shakiyaan.

Dhinaca kale qaraxyada ayuu sheegay in qeyb weyn ka qaateen tirada sii korartay ee dadka gacantood ay ku dilleen Al-shabaab iyo dagaallada ay la gaallaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyada oo la ogyahay in weeraro helis badan oo ay ku qaadeen sanadkii hore xarumo waaweyn oo AMISOM ay ku lahaayeen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku dileen boqolaal ciidamo ah.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah dilalka ay geysanayaan Al-shabaab weerarada ay ku qaadaan deegaannada gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay ku dileen sida uu hadalka Col Macoow askar iyo dad u badnaa shacab.

Sababta hoos u dhigtay dilalka Boko Haram ay ka geystaan dalka Nigeria ayaa lagu sheegay wadahadallada ay la bilaabeen dowladda, halka Al-shabaab wax wadahadal laheyn dowladda Soomaaliya, inkastoo ay jiraan saraakiil muhiim ah oo la sheegay in ay dhinaca dowladda isku soo dhiibeen.