Al-Shabab Oo Baahisay Magaca Iyo Sawirka Ajannabi weerar Ismiidaamin Ka Fuliyay Soomaaliya

Ururka Al shabaab ayaa waxaa ay sii daayeen muuqaal ay ku shaaciyeen Nin Ajanabi ah oo isku qarxiyay gudaha Soomaaliya.

Waxaa ay baahiyeen muuqaalka iyo sawirrada Ramadan Mwani oo u isku qarxiay Xerada Ciidamada Dowladda Federaalka ee deegaanka Bariire oo ka tirsan Shabeellaha hoose.

Weerarkaas ayaa dhacay Bishii April ee sanadkii 2021kii,waxaana uu ismiidaamintiisa horudhac u ahaa weerar ay ku qaadeen xerada Ciidamada  Gorgor ku sugnaayeen ee deegaanka Bariirre halkaas oo xilligaas  saraakiisha Dowladda ay sheegeen in ay ku jebiyeen AL-shabaab.

Qorshaha weerarkaas waxaa uu ahaa in shabab kula wareegaan saadka Ciidamada oo ka badnaa 30 Tan kaas oo loogu talagalay Ciidamada Dowladda ee Awdheegle,wax ka yar 24 saac ayuu yaallay saadkaas hayeeshee shabaab ayaa isku dayay in ay beegsadaan oo la wareegaan.

Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Xerada ayaa iska difaacay weerarka ilaa waagu ka baryayay, subaxii 3 April 2021kii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa Askari kasta dallacsiiyay hal darajo maaddaama ay ka hortageen in saadka Ciidanka u gacan galo  Al-shabaab.

Ramadan Mwani, ayaa Al shabaab dhexdooda looga yaqaannaa Abdulhaq Al-Muhajir),waxaana uu ka soo jeedaa Waddanka Kenya.

Laba weerar oo horay uga kala dhacay Ceel Baraf 2dii May 2022 iyo Xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Muqdisho 22kii January 2023 Al-shabaab waxaa ay sheegtay in ay fuliyeen ajaanib u dhashay Kenya .

Jabril Yahye Isse 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com