Al-shabaab oo xukun ku riday nin lagu eedeeyay Fal Kufsi ah

Al-Shabaab ayaa xukun ku riday nin ay ku eedeeyeen inuu fal kufsi ah ka gaystay degaanka Mukeyle ee Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya, kadib markii Maxkamadda Shabaab la horgeeyay ninkaasi.

Aadam Muxamed Macalim Mukhtaar oo ku Magacdheer Aadam Boorow 18 jir ah, waxaa qaadiga Maxkamada Shabaab uu sheegay inuu qirtay falka kufsiga ah inuu gaystay.

Maxkamada ayaa ku xukuntay Boqol Karbaash, Qaalin Geel ah oo 3 jir ah, waxaana intaasi u sii dheereyd in degaanka muddo sanad ah ninkaasi laga masaafuriyay.

Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacaayay.