Al-Shabaab Oo Xukun Gacan goyn ah Ku fuliyay Wiil Dhalinyaro Ah

Wararka aan ka heleyno deegaanka tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay Xukun Gacan goyn ah ka fuliyeen deegaankaas.

Fagaaro ku yaalla deegaanka tooratooroow ayaa waxaa gacanta looga gooyay wiil Dhalinyaro ah kaas oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu ahaa tuug islamarkaana uu u dhacay Dukaan ku yaalla halkaasi qalab iyo lacag u dhiganta Hal malyan Sagaal Boqol Lixdan iyo Labo Kun Shiling Somaaliga ah uu qaatay.

Goobta Xukunka Gacan goynta ah uu ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ruux oo ka kala yimid Xaafadaha uu k kooban yahayd deegaanka tooratooroow ku waas oo doowanayay xukunka ay fuliyeen Al-Shabaab.

Aadan Cali Aadan, Qaadiga Maxkamada Al-Shabaab ee Xukunkaan riday ayaa sheegay in Wiilkaan dhalinyarada ah uu qirtay dambigii lagu soo eedeeyay islamarkaana uu muteestay in Gacanta laga jaro.

Deegaano iyo degmooyinka ay gobolada Soomaaliya ka maamulaan Al-Shabaab ayaa waxa ay mararka qaar ka fuliyaan xukuno isugu jira dil Karbaash iyo Xukun Gacan goyn ah.