Al-shabaab oo Xukun dil toogasho ah ka fuliyay deegaanka Buqa’aqable

Fagaare ku yaalla degmada Buq’aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa Al-Shabaab waxa ay barqanimadii Maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyeen Nin ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay ciidamada Jabuuti oo ka mid ah ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Boqolaal ka mid Shacabka degmadaas ayaa Goobta ku sugnaay kuwaas oo lagu wargeliyay Saakay in ay soo daawasho tagaan.

Ninka la toogtay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cali Axmed Cadow oo da,diisa lagu sheegay  51 Sano jir,waxayna ku sheegeen in Nnkaan uu jaajuus u ahaa Ciidamada Jabuuti sida ay hadalka u dhigeen.

Al-shabaab ayaa Xukuno kala duwan ka fuliya deegaanada ay gacanta ku hayaan walow dadka xukumadaas lagu fulinayo aysan helin wax qareeno ah oo u dooda eedeysanayaasha.