Al-shabaab oo xukun dhagax ku dilid ah ka fuliyay Gobolka Baay

Ururka Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay dhagax ku dileen nin da’ dhexaad ah kaasoo ka mid ahaa dadka ku dhaqan degaanka Raama-Cadeey ee ka tirsan Gobolka Baay.

Ninka ay dhagaxa ku dileen shabaab ayay kusoo eedeeyeen inuu zineystay isla markaana uu gabar dhalinyaro ah fal kufsi ah u geystay isla degaankaas sida ay sheegeen Saraakiisha Shabaab.

Goob fagaaro ah oo ku taalla Deegaanka Raama-Cadeey ee Gobolka Baay ayaa waxaa isugu soo baxay Boqolaal Dadweyne ah kuwaas oo daawanayay qabka uu u dhacayay Xukunka dilka ah ee lagu riday Dhaayow Muxamed Xasan  oo 44 sana jir ah sida ay Go’aamisay Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolada baay iyo Bakool.

Gudoomiyaha Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolada baay iyo Bakool oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ninkaan Odayga ah uu lahaa laba Xaas islamarkaana uu afkiisa ku qirtay in uu kufsaday Gabadhaas.

Al-Shabaab ayaa dhowr mar falal noocan oo kale ah ka geestay degmooyinka ay ka joogaan Gobolada dalka Somaaliya iyagoo ku fuliyay dad ay waxyaabo kala duwan ku soo eedeeyeen.

Horaantii bishii hore ayay sidaan oo kale Dhagax ugu dileen Nin dhalinyaro ah Gobolka Hiiraan kaasoo asna ay kusoo eedeeyeen inuu Fal kufsi ah ka gaystay duleedka magaalada Beledweyne.