Dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay inay dilayaan wadaadka Sheekh Cabdi Wali Afyare oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo la sheegay inuu u gafay Nabiga NNKH.
Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan oo ah Gudoomiyaha Gobolka Mudug ugu magacabaan Al-shabaab ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Al-shabaab wuxuu uga hadlay xukunka Ninka u gafay Nabiga iyo waxa kala gudboon Al-shabaab.
Abuu Cadnaan ayaa sheegay in waxa kaliya ee Ninkaasi mudanyahay ay tahay dil iyo in nafta laga gooyo waa siduu hadalka u dhigee.
“Adeer Xukunka Ninkaas wuxuu Kitaabka alle ku xukumay dil,insha’allaah Ninkaas iyo madaxiisa iskuma oollayaan, Mujaahidiinta iyo Muslimiinta Ninkaas waxaa uga yaal in ay madaxiisa kala gooyaan” ayuu yiri Abuu Cadnaan.
Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare, ayaa waxaa toddobaadkan uu ka soo muuqday muuqaal video ah, oo uu ku soo bandhigay sawirka nin uu ku sheegay inuu yahay Nabi Maxamed (Caleehi Salaatu Wasalaam), inskastoo markii dambe uu sheegay in ninkii uu soo bandhigay uu ahaa nin uu aad u qiimeeyo.