Rag hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen guriga mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adda Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo ku yaalla degmada Wadajir.
Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa uu ka sheego warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in gurigiisa uu ka maqnaa markii uu weerarka dhacayay, bartilmaameedkana uu isaga ahaa, balse ay ku dhinteen Afar ka mid ah ilaaladiisa.
Sarkaalkan NISA ka tirsan ayaa waxa uu sheegay weerarka inuu dhacay waxyar kahor markii uu guriga ka baxay, balse inyar kadib ay xaaskiisa ku soo wargelisay Ciidankii uu kaga tagay guriga qaarkoodna la dilay, qaarkoodna ay dhaawacmeen.
Idaacadda Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha ayaa baahisay howlgal ay ka fuliyeen xaafada Seybiyaano in ay ku dileen Sarkaalka ka tirsanaa ciidanka sida gaarka u tababaran ee Gaashaan, oo dadka badankii ay u garanayan (Alpha Group) iyo afar ka mid ah ilaaladiisa.
Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyada oo ay soo dhaw dahay bisha Barakeysan ee Ramadaan, weli waxaa muuqata habacsanaan ka dhex jirta Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka, maadaama dharaar cad ay dhacayaan falal ka baxsan amniga.