Al-Shabaab oo weeraray degmada Afgooye

Xoogag hubaysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay weerar ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan fariisin ciidamo ka tirsan dowladda ay ku lahaayeen agagaarka Buundada Yar.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inay maqleen weerar ku bilowday bambada gacanta laga tuuro, ka dibna Is rasaaseen  socotay wax ku dhaw 30 daqiiqo, intaasi kadibna ay dareemeen cabsi.

Saraakiisha ammaaanka ayaa waxa ay sheegeen ciidamada inay iska difaaceen ragga weerarka soo qaaday, maadaama markii horeba ay ku jireen feejignaan dheeri ah.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegeen labada dhinac ee dagaalka dhexmaray inuu soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse aanay xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay halkaasi naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda ay wadaan hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana xiran wadada gasha goobtii uu weerarka ka dhacay.

Dhinaca kale Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen inay xalay weerareen bar kontorool oo ku taalla inta u dhaxeysa degaanada Lafoole iyo Ceelasha Biyaha, halkaasi oo labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal toos ah.

Ururka Al Shabaab ayaa dhawr mar oo hore waxa ay ugu qaadeen fariisimo ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ilaa hadda dowladda iyo Koonfur Galbeed ma aanay sameyn talaabooyin ay kaga hortagayaan dagaalada Shabaab.