Al-shabaab oo weerar ku qaaday Ciidamo AMISOM ah oo fariisin ka sameystay duleedka Baraawe

Dagaal yahano katirsan Xarakada Al-shabaab ayaa waxey habeenkii xalay dagaal  ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada AMISOM ka sameysteen deegaanka Ambareeso ee duleedka degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose.

Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa,iyadoona dhawaaqa rasaasta  dagaalka si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Wararka laga helayo deegaanka Ambareeso waxey sheegayaan iney jirto khasaare soo gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli shalay magaalada ay soo gareen wafdi uu hogaaminaayo Raisul wasaaraha somaliya iyo Mdaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed iyo wafuud kaloo heer calami ah.