Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Baardheere

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu u dhaxeeyay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo kuwa Itoobiya ee ka tirsan howl galka AMISOM uu ka dhacay garoonka diyaaradaha.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerartay saldhig ciidamada Itoobiya ku lahaayeen garoonka diyaaradaha Baardheere, waxaana dagaalka uu qaatay saacado.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen garoonka diyaaradaha, balse ciidamada Itoobiya ayaa iska difaacay weerarka, waxaana labada dhinac isu adeegsadeen hub culus.

Dadka ku nool Baardheere ayaa sheegaya inay maqlayeen madaafiicda iyo qoryaha noocyadooda kala duwan oo la isu adeegsanayay, inkastoo garoonka diyaaradaha uu ku yaallo meel banaanka ka ah Baardheere, ma jirto khasaare dadka rayidka ka soo gaaray dagaalkii xalay.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraray garoonka diyaaradaha Baardheere, iyadoo weerarada ay u badnaayeen kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa oo xilliyada qaar ay madaafiic laga soo riday meelo fog fog ay adeegsanayeen.