Al-shabaab ayaa tababar u soo xirtay Ciidan cusub oo kenyaan ah ,kuwaa soo ka mid noqonaya Ciidamada Al-Shabaab ee Weerarada ku qaadaya gudaha dalka Kenya.
Ciidamadaan ayaa tababarka waxaa uu soo xiray Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, isagoona sheegay in ciidamadaan ay yihiin Ciidamo Kenyaan oo kusoo biiray Al-Shabaab ,islamarkaana hadda ka dib Weeraro ku qaadi doona dalka Kenya.
Waxaa uu Ciidamadaasi ugu baaqay in ay dagaal culus la galaan dowladda kenya.
Waxaa uu u sheegay in Ciidamdaasi Kenyaanka u badan in dowladda Kenya ay dhibaato badan ku heyso dadka Muslimiinta ah ee kunool dalkaasi.