Ururka Al-shabaab ayaa soo bandhigay Nin ay sheegeen inuu ka tirsana Militariga Soomaaliya isla markaana ahaa Taliyihii Ciidamada degmada CeelBuur.
Shabaabka oo usoo bandhigay Muuqaalka Ninkan Warbaahinta ku hadashada Afka Shabaab ayaa waxaa uu ku hubeysnaa Qori AK-47 ah.
Munaasabad ka dhacday deegaan katirsan gobolka Galgaduud ayaa Al-Shabaab waxa ay kusoo bandhigeen Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynuuf ( Cabdullaahi Jareer) oo Shabaab sheegeen in uu ahaa taliyihii ciidanka Milatariga ee ka baxay degmada Ceel Buur.
Sargaalkan ayaa sheegay in uu katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya uuna kasoo tagay magaalada Baladweyne uu ku sugnaa, waxa uu xusay in uu go’aansaday in uu kasoo baxay ciidanka Milatariga isku soo dhiibo Al Shabaab.
Cabdullaahi Maxamuud Cali oo ka hadlay munaasabada lagu soo bandhigay ayaa sheegay in uu ka Towbad keenay la shaqeynta waxa uu ugu yeeray cadowga islamarkaana uu ka qoomameynayo dhibaatadii uu ugeystay shacabka Soomaaliyeed.
Ninkan Al Shababa kusoo bandhigeen Gobolka Galgaduud ayaa waxaa la socday xaaskiisa iyo caruur uu dhalay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay taliska Milatariga gobolada Dhexe oo ku aadan sargaalkan Al Shabaab sheegeen in uu isku soo dhiibay.