Al-shabaab oo soo bandhigay Sawirada Gaadiid dagaal oo ay ku gubeen dagaalki shalay (Sawiro)

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa dagaal xooggan waxaa uu shalay ku dhexmaray degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa guulo ka sheegaty Dowladda Soomaaliya halka Al-shabaabna ay sidoo kale sheegeen in ay dhankooda libinta heystaan oo ay iska difaaceen weerarka ay kusoo qaadeen ciidanka Huwanta ah.

Al-shabaab ayaa soo bandhigay Sawiradda Gaari Nuuca dagaalka ah  ee ay Isticmaalaan Ciidamada AMISOM oo ay sheegeen in ay ku gubeen dagaalkii Shalay ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii Shalay  AMISOM gawaari uga gubeen , islamarkaana ay iska difaaceen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay deegaanadii shalay duulaanka ku qaadeen ay isla galabnimadii shalay dib u gurasho uga soo baxeen.