Al-Shabaab oo sii wata weerarkooda Bisha Ramadaan isla markaana saakay weeraray Degmada Buulo Burde

Wararka ka imaanaya degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka dagaal xooggan ayaa labada dhinac dhex maray, kaasoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Isgaarsiinta magaalada ayaa hawada ka maqan, waxaana si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalka.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday saldhigyada ciidamada Jabuuti ku leeyihiin garoonka diyaaradaha iyo duleedka Buulo Burde, inta badan weeraradaas Al-Shabaab waa la jebin jiray.

Degmada Buulo Burde ayaa tan iyo sanadkii 2014, markii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda Jabuuti, waxay ku jirtay go’doon, iyadoo sahayda lagu gaarsiinayay diyaarado.