Faah faahino dheerad ah oo ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kolonyo ka tirsan Ciidamada Burundi oo ku sii jeeday deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ayaa waxa lala eegtay qarax Mmiinada nooca dhulka lagu aaso ah sida ay warbaahinta u sheegeen Dadka Degaanka.
Qaraxaas ayaa dadka deegaanku waxa ay sheegen in ay maqlayeen jugtiisa balse aysan ka warheyn khasaaraha ka dhashay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaas, waxaana war ay ku qoreen Barta Internet-ka ay ku sheegeen in qaraxaas ay ku waxyeelooben Ciidamo ka tirsan kuwa AMSIOM.
Dhanka kale ma jirto Wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Mahadaay oo ku saabsan Qaraxaas marka laga soo tago Al-shabaab oo sheegay in ay Waxyeelo gaarsiiyeen Ciidamada Burundi oo Qayb ka ah AMISOM>