Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Cali Cilmi iyo wiil la dhashay.

Gudoomiyaha iyo walaalkii oo lagu magacaabi jiray Xasan Daahir Cali Cilmi, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Carafaat, xilli ay eheladoodu ku booqanayeen xaafadaasi.

Sida ay baahisay Idaacadda Andalus oo afka Ururka Al Shabaab ku hadasha, ayaa Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo walaalkiiba waxaa lagu dilay hawlgal gaar ah.

Andalus waxay tebisay in Maxamed Daahir uu Gobolka Galgaduud ugu magacawnaa waxa ay ugu yeertay gaala raaca.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa bishii January ee sanadkan Maxamed Daahir u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Maxamed Daahir, ayaa ka hor intii aan xilkaan loo magacaabin waxaa uu ahaa nin ganacsade ah, iyadoo uu goob ganacsi ku lahaa Magaalada Guriceel.

Tan iyo markii la magacaabay Maxamed Daahir, ayaa wuxuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isagoo aan tagin Gobolkaasi Galgaduud, oo intiisa badan ay Ahlu Sunna ka arrimiso.