Al-shabaab oo sheegtay in ay gubeen Gaadiid ay saarnaayeen Ciidamo Mareekan ah

Faah faahino dheeraad ah ayaa kas oo baxaya dagaal ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray duleedka degamda Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaden fariisinka Ciidanka dowladda ee deegaanada Baqdaad,Alfoow  Basra Daniga Baaloow iyo Gaalgube oo u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay weerrar ku qaadeen Ciidamo Soomaali iyo kuwo Mareykan ah oo marayay deegaanka Basra kuna sii jeeday degmada Balcad, halkaasina ay ku gubeen gaadiid dagaal uuna jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada weerarka Dhaba galka ah la kulmay.

Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku soo qoreen in ay la wareegeen deegaanadii lagu  dagaalamay gaar ahaan deegaanada Basro iyo Daniga Baalow oo hoostaga degmada Balcad.

Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ayaa maal mahan ka waday inta u dhaxeysa Gobalada Shabeelada hoose iyo Gobalka shabeelada dhaxe Howlgal ka dhan Xarakada Al-shabaab.

Weli dagaalkaas Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Balcad kama hadlin dagaalkaas iyo kas oo bixitaanka ciidanka dowladda Soomaaliya.