War kasoo baxay goordhaw Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Buula Guduud iyo Yoontooy ee duleedka kismaayo, in lagu dilay askari cadaan ahaa iyo afar askari kale oo madow ah oo ay ula jeedaan askar katirsanaa ciidamada midowga afrika ee Amisom.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in hal askari American ah ay ku dishay weerar dhabbagal ahaa oo ka dhacay agagaarka Tuulada Buula Guduud ee duleedka Kismaayo.
Al Shabaab waxay sheegtay in Askari Mareykan ah iyo Afar Askari Amisom ah lagu dilay weeraro jidgal iyo qaraxyo ahaa oo ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Buula Guduud iyo Yoontooy ee jubbada-hoose.
“Askari Caddaan Mareykan ah iyo ciidamo Amisom ah ayaa ku dhintay weeraro Dhabbagal ah oo ay barbar socdeen qaraxyo aan la beegsanay kolonyo ay la socdeen ciidamada shisheeyaha”
ayaa lagu yiri warka goor dhaweyd kasoo baxay Xarakada Al-shabaab
Ma jirto illaa iyo hada war ka madax banaan sheegashada Dagaal-yanada Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan dilka Aksariga Mareykanka iyo askarta kale ee AMISOM ka tirsanaa ee ay shegeen iney dileen.