Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Musharaxnimadda Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab.
Qoraal kasoo baxay Shabaab oo lagu baahiyay Warbaahintooda ayaa lagu sheegay In Diinta uu ka baxay Muqtaar, islamarkaana wixii haatan ka dambeeya ay la dagaalami doonaan.
“Mukhtaar Rooboow ayaa markii uu ahaa Afhayeenka Al Shabaab madaxda dowladda Federaalka ugu yeeri jiray gaalo, maadaama ay gacal ka dhigteen ciidamada dariska sida Uganda, Burundi iyo Kenya balse isaga ayaa intaas oo dhan kasii dheereeye wuxuuna ku hoos jiraa taliska ciidamada Xabashida Itoobiya ee gobollada Bay iyo Bakool”,.
“Waxaa muuqata in wixii uu ka aaminsanaan jiray madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya,isagana hadda laga aaminay kadib markii uu utafa xaytay hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Shabaab.
Wadaadka Roobow afhayeenkii hore ee Shabaab ayaa haatan kamid ah Musharixiinta madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya,wuxuuna sheegay in uu la dagaalami doono Al-shabaab.