Al-shabaab ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamo ka Tirsan Kenya,kadib weerar ay ku qaadeen Gobolka Lamu ee dhaca xeebaha Kenya.
War kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamadooda ay weerar culus ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla deegaanka lagu magacaabo Takhsiile oo ka tirsan gobolka Lamu.
Waxa ay sheegeen in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Takhsiile, ayna halkaas ku dileen ugu yaraan 10 askari, halka sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 3-askari oo kenyaan ahaa.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa qirtay in dagaalka loogu dilay 3-askari,islamarkaana Ciidamadda Kenya ay ka carareen Saldhigii Takhsiile oo ka tirsan Gobolka Lamu.
Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Kenya oo loogu hadlaayo sheegashadda maleeshiyaadka Al-shabaab.