Al-shabaab oo shaacisay Ismiidaamiye Ajnabi ah oo fuliyey Weerarkii Saldhigga Ceel-Baraf

Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo halka uu kasoo jeedo is-miidaamiyihii isku qarxiyey saldhigga ciidamada ATMIS ee Ceel Baraf e furay weerarkii Alshabaab ku qaaday.

Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay dardaaradan laga duubay Nin lagu magacaabo Jamaal Diba Diida (Zubeyr Al Muhaajir) oo kasoo dalka Kenya, kana mida is-miidaamiyeyaasha ajnabiga ah ee Alshabaab.

Ninkan ayaa waday Gaari weyn oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ahaa gaarihii ugu horeeyay ee lagu furay weerarkii degaanka Ceelbaraf ee Sh/dhexe, kaasoo ay ku dhinteen askar badan oo ka mida dalka Burundi.

Is-midaamiye  Zubeyr ayaa kasoo jeeda magaalada Isiolo ee dalka Kenya, wuxuuna dardaraankiisa ku sheegay inuu naftiisa u huray jihaadka.