Al-shabaab oo qof Shacab ah u Gowracay Arrin la yaab leh

Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab halkaasi ay ku gowraceen qof Shacab ah.

Ninka la gowracay ayaa la sheegay in uu u socday degmada Waajid, islamarkaana ay la socdeen Saddex qof oo kale.

Dagaalyahano ka tirsan  Shabaab ayaa raggaan ku qabtay degaanka lagu magacaabo Caleemow oo 22 KM ujira Degmada Waajid, kuna dhaw degaanka Buurdhuxule.
Al-Shabaab la sheegay in ay diideen in raashin la geeyo Magaalada Waajid oo ay go’doomiyeen, waxaana la sheegay nimankaasi in ay wadeen Gaari dameer raashin saaran yahay.

Saddexdii Nin oo kale ayaa baxsaday, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay ninkaasi Gowraceen ,islamarkaana ay gubeen raashinkii saarnaa Gaari dameerka.

Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Degmada Waajid, Caddow C/raxmaan Jugle, ayaa xaqiijiyay dilka ninkaasi, waxaana uu sheegay in lagu magacaabi jiray ninka la dilay  Xasan Cali Maxamed Caalin.