Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeyn dhawaan diyaaradaha Mareykanka ay sheegeen in ay ku dileen Gudoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir cali Jabal.
Duqeyntaasi ayaa waxaa Amartay dowladda Soomaaliya, waxaana war kasoo baxay dowladda lagu sheegay in lagu dilay Cali Maxamed Xuseen oo Al-Shabaab wakiil uga ahaa gobolka Banaadir.
War kasoo baxay hoggaanka Sare ee Al-Shabaab kuna qornaa Luqadda Carabiga ayaa lagu xaqiijiyay dilkii Cali Jabal.
Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in duqeyn diyaaradeed lagu dilay Cali Jabal oo ka mid ahaa raga ugu muhiimsan Al-shabaab.
Hoggaanka Sare ee Al-Shabaab ayaa tacsi u diray dhammaan umadda Muslimiinta ah oo uu ka geeriyooday Cali Jabal waa sida ay hadalka u dhigeene.
Dilka Cali Jabal ayaa waxaa horay u xaqiijiyay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Taliska Howlgalada ee AFRICOM.